Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalqabeenka reer Qatar ee Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa ka tanaasulay iibka kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United, waxaana uu ku wargeliyey in uu joojiyey wada-hadalladii iyo damacii kaga jiray naadigaas, kaddib markii ay qoyska Maraykanka ah ee reer Glazer ee iska leh naadigan ay shuruudo badan hor-dhigeen.
Manchester United oo markii ugu horreysay suuqa la dhigay November 2022 ayaa waxa soo dalbaday dhawr maalqabeen oo ugu dambayntii ay iskugu soo hadheen ganacsade Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani oo adeer u ah amiirka Qatar iyo bilyaneerka Britain ee Sir Jim Ratcliffe.
Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa 11kii bilood ee ugu dambeeyey ka shaqaynayay sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa kooxdan ee uu u iibsan lahaa, hase yeeshee maanta ayuu soo dhamaaday damacoodu.
Wariyaha ciyaaraha ESPN ee Rob Dawson oo helay xogta go’aanka Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ee hadda loo bixiyey X, waxa uu ku yidhi: “Sheikh Jassim iyo shirkaddiisa Qadar waxay iskaga baxeen iibka Manchester United.
“Sheikh Jassim iyo xulafadiisu, si rasmi ah ugama hadlayaan arrintan laakiin waxay ku wargeliyeen qoyska reer Glazers iyo Raine in ay ka baxeen qorshaha iibka kooxda.”
Si kastaba ha ahaatee, qoyska reer Glazer ayaa waxa ay ku xidheen iibka Manchester United lacag gaadhaysa 6 bilyan oo Gini, taas oo la rumaysan yahay in Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani uu codsaday in tanaasul ay ka sameeyaan ka hor inta aanu gaadhin go’aankan.