Shaqaalaha Radio Sanguuni oo loo soo gabagabeeyay Tababar ku aaddan hab tabinta Doorashooyinka

0
439

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Tababar socday muddo lix maalmood ah ayaa usoo gabagaboobey hawl wadeenada Raadiyaha sanguuni

Waxaana uu ku sabsanaa arrimaha dooroshooyinka iyagoo hawl wadeenadu ku qaateen casharo sare u qaadaya xirfadooda, Macalimintii tababarka bixinayey ayaa shaqaalaha Raadiyaha kula dardaarmey inay dhagaytayaasha ugu shaqeeyaan wixii ay barteen gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.

Xasan Maxamed Cabdullaahi iyo Aamina Axmed Aadan oo kamid ah hawl wadeenada Raadiyaha ee ka qayb galay tababarka ayaa ka warbixiyay mudadii Isbuuca ahayd wax yaabihii ay barteen.

Ugu Danbayn Agaasimaha Raadiyaha Sanguuni Cumar Maxamed Dayib ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u lahaa tababarkani, isla markaana  uu wax badan kusoo kordhin doono shaqada ay Bulshada u hayaan.

Xamdi Sugoow Lamaane ayaa warbixintan inoo soo jeedinaysa.