Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa soo dhoweysay xiddigo kasoo laabtay dhaawac ka hor ciyaarta Brighton ee Axadda ee horyaalka Premier League, kuwaas oo imaatinkoodu kusoo beegmayo toddobaad xaasaasi ah oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan, si ay u fiirsadaan natiijada kulanka Arsenal iyo Man City oo haddii ay barbarreeyaan amaba ay City badiso hoggaanku uu gacanta u gelayo Liverpool.
Tababarkii ugu dambeeyey ee ciyaartoyda Liverpool ayaa waxa kasoo muuqday xiddigo muhiim ah oo aan joogin ciyaarihii ugu dambeeyey, waxaana dhoola-caddayn kusoo dhoweeyey tababare Jurgen Klopp oo doonaya inuu kooxda guulo waaweyn kusii hogaamiyo xilli-ciyaareedkan maadaama uu afar bilood kaddib ka tei doono.
Horyaalka Premier League oo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin, ayaa waxa garoonka tababarka Liverpool ee AXA Training Center ka jiray jawi kala duwan iyadoo xiddigaha soo laabtay farxad lagu soo dhoweeyey, laakiin aanay wali taam noqonin xiddigo kale oo muhiim ah.