Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Buundada u dhaxeysa Baarsanguuni iyo buulo gadud oo dhacda waqooyiga magaalada kismaayo oo ah buundo qadiimi ah oo xilli hore la dhisay ayaa soo martay marxalado kala duwan kuwaasi oo saamayn Ku yeeshay qaab dhismedkeeda .
Bundada oo halbowle u ah bulshada Ku safarta ayaa ku dhaw Inay gabi ahaanba burbur ku yimaado iyadoo laga cabsi qabo in hadii bundadu go’odo ama uu yimaado roob wayn ay bulshada beralayda ah ee ku nool deganada gosha ay waayi doonaan meel ay so mariyaan dalagooda.
Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaanada bulo guduud ayaa dowlad goboleedka jubbaland gaar ahaan wasaarada hawlaha guud iyo guriyeynta ka codsaday inay si deg deg ah wax ugu qabtaan maadama laga cabsi qabo in uu waxyeelo keeno daadka ka dhalan doono roobka guga ee la filayo .
Baaqyada iyo cabashoyinka isdaba jooga ah ee ka imanaya dadka dagan deganada buulo gudud iyo baarsanguuni ayaa kuso aadayo xilli lawada sugayo roobka guga.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa