Senne Lammens Oo Si Kalsooni Leh U Difaacay Ruben Amorim Kadib Guushii Taariikhiga Ahayd Ee Anfield.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Goolhayaha Manchester United Senne Lammens ayaa si weyn u amaanay tababarihiisa Ruben Amorim, kaddib guushii ay Red Devils 2-1 kaga badiyeen Liverpool garoonka Anfield.

Lammens ayaa tilmaamay in Amorim uu si geesinimo leh u wajahayo cadaadis badan oo ka imanaya gudaha iyo dibaddaba, isagoo isku dayaya inuu culayska ka qaado ciyaartoydiisa.

“Aniga ahaan, waa qof isku mid ah mar kasta,” ayuu yiri Lammens. “Ma aanan joogin kooxda muddo dheer, sidaa darteed ragga kale waxaa laga yaabaa inay u arkaan si kale, laakiin aniga ahaan waa tababare cadaadis badan saaran

Waxaad dareemi kartaa cadaadiskaas dibadda — waad akhrin kartaa wararka, waad maqli kartaa — balse wuu dadaalayaa, waana mid aad u fiican. Wuxuu isku dayaa inuu culayska saaro naftiisa halkii uu saari lahaa kooxda.”

Lammens ayaa intaas ku daray:

“Wuxuu naga qaadaa cadaadis badan, taasna waa waxa tababarayaasha waaweyn ay sameeyaan.”

Guushaas ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Manchester United ay ka gaarto Anfield tan iyo 2016, iyadoo Lammens uu si gaar ah u amaanay doorka hoggaamineed ee Amorim uu ciyaartaas ku lahaa.