Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa weli jirta xilli ciyaareed ay soo bandhigaan natiijooyin aan joogto aheyn, ka dib isbuuc ay 7-0 ku xasuuqeen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, waxay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda u dhaceysa heerka labaad ee Bournemouth.
Inuu keyd geliyay Henderson
Inkastoo Jordan Henderson ay u badan tahay in loo soo yeeri doono kulanka Real Madrid ee isbuuca danbe, islamarkaana la sheegay inay xumad heysay, hadana waxay aheyd in lagu soo bilaabo kulankii Bournemouth.
Xiddiga khibrada leh ee Ingariiska ayaa lagu cambaareeyay inuu dhaafay waqtigiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan, laakiin Klopp ayaa ku qaldanaa inuu isbedel ku sameeyo shaxdii guusha weyn u keentay kulankii Man United.
Haddii Henderson uusan ku soo bilaabi karin, waxay aheyd in Klopp uu bedel shax ciyaareedka 4-3-3 oo uu ku dheganaa todobadii sannadood ee uu joogay Liverpool.
Shax ciyaareedkaas waxa uu ka caawiyay in daafaca ay helaan caawimaad fiican halka sidoo kale weerarkooda uu isku xirmay madaama uu u muuqday kuwa aan isfaham ka dhaxeynin qeybtii hore ee ciyaarta.
Bedeladii uu sameeyay qeybta labaad
Klopp waxa uu mar walba hal il ku hayay lugta labaad ee wareega 16ka Champions League, laakiin waxaa lagu doodi karaa in kaalinta afaraad ee horyaalka ay tahay muhiimada koowaade ee Liverpool.
Darwin Nunez oo booska u baneeyay Roberto Firmino ayaa aad uga fiican Mohamed Salah, laakiin sida caadiga aheydba xiddiga reer Masar ciyaarta wuuu dhameystay.