Sara u kac ku yimid qiimaha Raashinka oo laga dareemayo Magaalada Dhoobley.

0
282

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xilli maalmo loo sooman yahay bisha barakeysan ee ramadaanka ayaa Magaalada dhoobley ee gobollka jubada hoose laga daremayaa sara u kac dhanka maciishada ah taasoo caqabad ku noqotay dadka danyarta ah ee deegaanka ku sugan sida barakacayasha kuwaasi oo aan awoodin dhaqaala ay ku maareeyaan maciishada kor u kacday.

Gudoomiyaha Deegaanka  dhoobley siyaad mahamed xassan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay maciishada qaaliyowday isagoo islamar ahaantaana ganacsatada deegaanka ugu baaqay inay hoos u dhigaan qiimaha maciishada lagu kala iibsado

Dhanka kale gudoomiyaha waxuu ka hadlay soonka iyo xaaladaha guud ee degaanka dhobley xilli abaaro baahsan ay ka dhacday deegaanada jubaland.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya