(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleysatay tartanka Caraboa Cup kaddib markii ay rigooreyaal 11-10 ah kaga adkaatay dhiggeeda Chelsea, kulan 120 daqiiqo ku dhammaaday 0-0.
Kaddib markii ay ku guuleysatay tartanka Carabao Cup, Liverpool ayaa soo barbareysay rikoorkii koobabka ee ay Kooxda Manchester United muddada dheer hoggaamanaysay kooxaha Ingiriiska, iyadoo labada naadi ay haatan wadaagaan min 66 koob.
Haddaba Dabbaal deggii Liverpool ee Caraboa Cup kaddib waxaa qolka dhar bedelashada lagu dhex arkayay Weeraryahanka kooxdaas iyo xulka qaranka Senegal ee Sadio Mané oo sijaayaddiisa ama Masalada Salaadda gacanta ku sita.
Xiddiga xulka qaranka Senegal ayaa ka mid ah xiddigaha haysta diinta sharafta badan ee Islaamka ee u ciyaara Kooxda Liverpool, waxaana uu yahay mid ku adag diintiisa.
Dabbaal deggii Koobkana waxaa la arkayay Mané oo ciyaaryahan Minamino ku leh “Fadlan sug khamrigan Shambeynka ah, ha nagu rusheynine intaan dabbaal degeyno”, Minamino isna wuu aqbalay arrintaa hoos ayuuna dhigay dhaladii Khamriga ahayd ee uu watay.
Sidoo kale muuqaal laga soo duubay dabbaal-degga Liverpool ee Caraboa Cup ayaa la arkayay Mane oo isaga dhaqaaqaya oo dhinac uga baxaya kooxda inteeda kale mar ay isku diyaarinayeen inay Khamri isku rusheeyaan.
“Anigu Khamriga ma taabto, Diintaydu aad bay iigu weyn tahay, waana xushmeeyaa shuruucda Islaamka, waxaana mar walba tukadaa 5 jeer maalintii”. ayuu yiri Mané mar uu sanadkii 2016 wareysi siiyay Weygeyska Daily Mail.