Sida laga soo xigtay Diario Sport, saddex kooxood oo ka ciyaara horyaalka Premier League – Chelsea, Liverpool iyo Tottenham Hotspur – ayaa qorsheynaya inay ku dagaallamaan saxiixa Ronald Araújo sannadka 2026
Kooxda Blues oo wajahaysa dhibaato difaac kadib dhaawaca muddada dheer ee Levi Colwill ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarinayaan dalab ku dhow €60–65 milyan bisha Janaayo si ay Araujo ugu xoojiyaan difaacooda.
Liverpool ayaa isha ku haysa xiddiga xagaaga, balse dhaqdhaqaaqooda wuxuu ku xirnaan karaa haddii Ibrahima Konaté uu si xor ah uga tago dhamaadka heshiiskiisa.
Spurs weli talaabo cad kama qaadin, balse si dhow ayay ula socdaan xaaladda Araújo maadaama ay iyaguna doonayaan xoojin difaac.
Xaaladda Araújo ee Barcelona ayaa sii cakiran. Inkastoo uu yahay kabtanka kooxda, haddana waxa uu hoos uga dhacay liiska doorbidka tababaraha, iyadoo la ogaaday inuusan ka qeyb qaadan kulankii Champions League ee ka dhanka ahaa PSG.






