Ruushka oo Joojiyay Gaaskii Dabiiciga ahaa ee uu Siin Jiray Finland

0
323

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda tamarta Gazprom ee dalka Ruushka ee ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay joojisay gaaska dabiiciga ah ee ay siin jirtay Finland maadaama dalkaasi uusan ku iibsan lacagta ruble ee Ruushka.

Gazprom ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “gabi ahaanba ay joojisay in ay gaas siiso” Finland oo shirkadda tamarta ee dowladda ee Gasum aysan ka helin lacagta ruble ilaa 20-kii May.

“Laga bilaabo 1-dii April, lacagaha lagu iibsado gaaska waxa ay ahayd in lagu bixiyo Rubles, taasi oo macaamiishana lagu wargeliyay,” ayay tiri Gazprom.

Gazprom ayaa sheegtay in ay 2021-kii Finland siisay 1.49 bilyan oo kuyuubik mitir (cubic metres) oo gaaska dabiiciga ah, kaasi oo u dhigan saddex meelood laba meel isticmaalka gaaska ee dalkaasi.

Ruushka ayaa markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine bishii February waxa uu dalalka aan isaga saaxiibka la aheyn ee uu gaaska siiyo qaarkoodkna ay xubnaha ka yihiin Midowga Yurub ka dalabaday in lacagaha gaaska ay ku bixiyaan lacagta Ruushka.

Isticmaalka gaaska dabiiciga ah ayaa qiyaastii boqolkiiba siddeed ka ah tamarta laga isticmaalo Finland.

Finland ayaa sheegtay in ilo kale ay ka heli doonto gaaska ka dhiman gaar ahaana dhuunta Balticconnector, ee isku xirta Finland iyo Estonia.

Joojinta shixnadaha gaaska ee ay Sabtida maanta ah ayaa daba socota go’aan kan la mid ah oo ay Moscow bishii hore gaaskii ay siin jirtay kaga jartay dalalka Poland iyo Bulgaria.