Ruushka iyo Ukraine oo heshiis xabbad-joojin ah ka gaadhay weerarrada maraakiibta isticmaala Badda Madow

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waddamda Ruushka iyo Ukraine ayaa heshiis xabbad-joojin ah ka gaadhay weerarrada ka dhanka ah maraakiibta isticmaala biyaha Badda Madow. Heshiiskan ayaa ahaa mid si gaar gaar ah uu ugu kala dabqaadayay Maraykanku.

Washington ayaa sheegtay in dhammaan dhinacyada ay sii wadi doonaan ka shaqaynta “nabad waarta” iyo bayaannada lagu shaacinayo heshiisyada oo dib u furi doona waddo ganacsi oo muhiim ah.

Aqalka Cad ayaa hoosta ka xaiiqay in labada dhinac ay sidoo kale go’aansadeen in ay qaadaan “tallaabooyin horumarsan” si loo hirgeliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyey ee ku aaddaanaa weerarrada ay dhincacyadu isku qaadayaan ee ka dhanka ah kaabayaasha tamarta.

Ha se ahaatee, Ruushka ayaa sheegay in xabbad-joojinta baddu ay dhaqan geli doonto oo kaliya marka laga qaado cunaqabataynno dhowr ah oo lagu soo rogay, kuwaasi oo ku aaddan ganacsiga cunnada iyo bacriminta.

Saraakiil Mareykan ah ayaa si gooni gooni ah magaalada Riyaad ugula kulmayay dhinacyo ka kala socda Moscow iyo Kyiv, iyaga oo ujeeddadoodu tahay in labada dhinac ay dhexdhexaadiyaan. Wafdiga Ruushka iyo Ukraine ayaan si toos ah u kulmin.

Mar wax laga weyddiiyay qaadista cunaqabateynta, Trump wuxuu u sheegay suxufiyiinta: ” dhamaantood hadda ayaan ka fekereynaa, waan eegaynaa iyaga.”