Roobabkii ka da’ay Dhoobley oo saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah

0
231

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Xili maalmihii u danbeeyey ay ka curteen Roobabka dayrtu meelo badan oo kamid ah Dalkeena Soomaaliya ayaa waxa ay dhibaatooyin kala duwan soo wajaheen Dadka danyarta ah ee aan heysanin Hoy iyo Gabbaad ay kaga gashaantaan saameynta roobabka.

Deegaanka Dhoobley waxa uu kamid yahay deegaanadda ay ku noolyihiin tiro badan oo barackacyaal ah kuwaasi oo ka soo barakacay Deegaano ka tirsan Gobalka Jubadda Dhaxe iyo waliba Qeybo kamid ah Gobalka Jubadda Hoose.

Guddoomiyaha Xaafadda Koowaad ee Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubadda Hoose Cumar Axmed Muxumed ayaa warbixin naga siiyey Saameynta ay ku yeesheen Roobabka ka curtay Deegaanka dadka danyarta ah ee ku nool Magaalada.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa Faahfaahinaya