Barcelona ayaa haatan la dhibtooneysa natiijooyin aan wanaagsaneyn, waxay gaareen hal guul shantii kulan ugu dambeysay ee horyaalka La Liga, halka ay guul wada gaareen saddexdii kulan ay ka ciyaareen wareega group-yada tartanka Champions League.
Tababaraha reer Holland ayaa sidaas u sheegay “Catalan TV” sababta uu kaga tagay xulka qaranka Holland, wuxuuna yiri:
“Sababtoo ah tababbarka kooxda Barcelona had iyo jeer waxay aheyd riyadeyda mana aan doonaynin inay iga lunto fursadaas markii saddexaad”.
“Markii labaad oo ay Barcelona i dooneysay waxay ahayd bishii koowaad ee sanadkan, laakiin iyadoo uu jiray tartankii UEFA Nations League ee xagaaga ma doonayn inaan ka tago xulka qaranka”.