Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Brazil ee Real Madrid, Rodrygo Goes, ayaa wareysi dheer siiyay wargeyska AS ee dalka Spain, isagoo ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah — sida sababta uu ugu biiri waayay Barcelona, rajadiisa kulanka El Clásico ee soo socda, iyo xaaladda kooxda.
Rodrygo ayaa xaqiijiyay in uu mar uu ku dhowaa inuu ku biiro Barcelona, balse uu doortay Real Madrid markii ay fursaddu soo baxday.
“Kahor inta aanan saxiixin Real Madrid, wax walba waxey u janjeereen dhanka Barcelona, waa run. Laakiin aabbahay ayaa ii sheegay in Real Madrid nala soo xiriirtay, wuxuuna yiri waa inaad doorataa. Aniga way sahlanayd, waan ogaa waxa aan rabo iyo riyadayda. Ma aanan laba labayn — halkan ayaan joogaa hadda,” ayuu yiri Rodrygo.
Markii la weydiiyay haddii uu noqon lahaa ciyaaryahan Barcelona ah haddii aabbihiis uusan soo faragelin, Rodrygo ayaa qosol ku jawaabay:
“Waxaan joogay Santos oo aan si fiican u ciyaarayay. Barcelona way ii timid, waana koox weyn oo aan ixtiraamo. Laakiin Madrid waxay ahayd riyadayda. Ma aanan sugi karin, markuu waqtigii yimid, waan sameynay waxa aan rabnay inaan sameyno.”






