Rio Ferdinand Oo Taageerayaasha Arsenal Ku Amray Inay Cafis Weydiistaan Noni Madueke!

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa taageerayaasha Arsenal, gaar ahaan kuwii ka hor yimid saxiixa Noni Madueke, ka codsaday inay cafis weydiistaan xiddigii hore ee Chelsea.

Xiddiga xulka England ayaa si qurux badan ugu bilowday noloshiisa cusub garoonka Emirates, taasoo layaab ku noqotay taageerayaashii dhaleeceeyay.

Kahor inta uusan iman Arsenal waxaa jiray dood badan, iyadoo Gunners ay £52 milyan ku bixisay saxiixiisa.

Maqnaanshaha Bukayo Saka ayaa fursad siisay Madueke inuu ka dhex iftiimo kooxdiisa iyo xulka qaranka labadaba.

Isagoo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube kahor kulankii Arsenal iyo Athletic Club, Ferdinand wuxuu yiri:

“Waxaan rabaa inaan fariin u diro kuwii necbaa isaga, kuwa dhaleeceynayay Madueke.

Wuxuu soo bandhigay ciyaar heer sare ah, taageerayaashii Arsenal-na hadda way ku faraxsan yihiin, waxayna leeyihiin ‘wuxuu noqday badbaadiyeheenna’.

Taageerayaashii horey uga soo horjeeday waa inay hadda soo baxaan oo ay raalli-gelin bixiyaan.”

Madueke ayaa safka hore kusoo billowday Talaadadii, markaasoo ay 2-0 kaga badiyeen kooxda reer Spain ee Athletic Club, kulankii furitaanka Champions League xilli ciyaareedka 2025–26.