Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Israel ayaa halgan ugu jirta, sidii ay u fashilin lahayd culeyska siyaasadeed ee ka soo fuulay dalalka reer galbeedka ee haya waddada lagu aqoonsanayo Dowladda Falastiin.
Madaxda iyo diblomaasiyiinta Israel ayaa isku dayaya in ay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ku qanciyaan in aysan bishan September aqoonsan Dowladnimada Falastiin, taas oo aan la garaeyn sida ay ku suurtageli karto, marka aad eegto cadaadiska sii kordhaya ee hoggaamiyeyaashaasi ka haysta shacabkooda.
Saraakiisha Safaaradaha Israel ee dalalka reer galbeedka ayaa joogteynaya xiriiradooda dowladahaasi, iyagoo kaga digaya cawaaqibka ay leedahay, haddii ay ku dhiiradaan inay aqoonsadaan Falastiin. Tel Aviv ayaa ka digeysa in dalalkaasi ay burburiyaan Dowladda Yahuudda ay gacantooda ku dhiseen.
Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog oo qorsheynaya in toddobaadka soo socdo uu booqdo dalka Ingiriiska ayaa buuq ka dhaliyay dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Aqalka Commons ay Raysal Wasaare Keir Starmer iyo xubnaha kale ee Golaha Wasiirada ugu baaqeen inaysan qaabilin, marka Herzog ay booqashada labada maalmood ah uga bilaabato dalka.
221 Xildhibaan oo ka kala socda sagaal xisbi siyaasadeed oo 131 ka mid ah ay yihiin Xildhibaanada Xisbiga Shaqaalaha ee Raysal Wasaare Starmer uu hoggaamiyo ayaa u ololeynaya in UK ay bedesho mowqifkeedii taageerada Israel, si loogu ciqaabo xasuuqa ay ka waddo Gaza iyo xoogga ay ku haysato dhulka kale ee Falastiiniyiinta.