Real Madrid oo u gudubtay wareega 16-ka & guud ahaan natiijooyinka kulammadii xalay laga ciyaaray Champions League

0
182

Daqiiqadii 9-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Karim Benzema, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lucas Vazquez.

32 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Real Madrid ayaa dhalisay gool labaad, waxaana markale 2-0 ka dhigay Karim Benzema, xilli caawinta goolkan uu lahaa da’ayarka reer Brazil ee Rodrygo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay Real Madrid kaga adkaatay, kooxda Borussia Monchengladbach oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaana group-ka B kaga dhameysatay fiida sare kaddib markii ay uruursatay 10 dhibcood, halka Borussia Monchengladbach ay ku soo baxday booska labaad, maadaama ay barbaro 0-0 ah ay ku kala baxeen kooxaha Inter iyo Shakhtar Donetsk.

Hadaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulamada xalay lagu soo xiray marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League,:-

GROUP A

Bayern Munich 2– 0 Lokomotiv Moscow

Salzburg 0 – 2 Atletico Madrid

GROUP B

Inter 0 – 0 Shakhtar Donetsk

Real Madrid 2 – 0 Borussia Moenchengladbach

GROUP C

Manchester City 3 – 0 Marseille

Olympiacos 0 – 2 FC Porto

GROUP D

Ajax 0 – 1 Atalanta

FC Midtjylland 1 – 1 Liverpool

SAWIRRO:

Image

Image