Real Madrid Oo Go’aan Adag Gaadhay Kaddib Dhaawacyada Eder Militao, Courtois, Guler, Mendy Iyo Ceballos

0
63

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan ka gaadhay in ay dib ugu laabato suuqa iibka ciyaartoyda oo ay la saxeexato difaac dhexe oo u beddela Eder Militao oo dhaawac kasoo gaadhay Jilibka qaybta dambe ee ciyaartii Sabtidii ee Athletic Bilbao kaga maqnaan doona  inta badan xilli-ciyaareedka 2023/24.

Militao ayaa ay dhakhaatiirtu garbaha qabteen markii uu garoonka ka baxayay, waxaana baadhitaannadii Real Madrid ay samaysay ay ku sheegtay in dhaawaciisu uu yahay lafaha wareegga jilibka oo jabay, taas oo qasab ka dhigaysa  in lagu sameeyo qalliin.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in ugu yaraan lix ama toddoba bilood uu garoomada ka maqnaan doono oo aanu Carlo Ancelotti ku xisaabtami doonin xilli-ciyaareedkan, taas oo difaaca dhexe ee Real Madrid kusoo koobaysa David Alaba, Antonio Rudiger iyo Nacho Fernandez.

Warar soo baxayay shalay ayaa sheegayay in Real Madrid ay ka fiirsanayso inay la saxeexato difaac dhexe oo buuxiya booska Eder Militao maadaama dhaawaca goolhaye Thibaut Courtois oo isaguna sannad ku maqnaanaya dhaawac jilibka ah ay booskiisa keeneen Kepa Arrizabalga oo ay amaah kaga soo qaateen Chelsea.

Sida ay sheegtay idaacadda Cadena COPE, Real Madrid lama saxeexan doonto difaac kale oo buuxiya booska Eder Militao, waxaana ay meesha ka saartay suurtogalnimada ah in Santiago Bernabeu uu kusoo laabto Sergio Ramos oo koox la’aan ah kaddib markii uu si xor ah uga tegay PSG.

Carlo Ancelotti ayaa waxa uu kaliya ku tiirsanaan doonaa Alaba, Rugider iyo Nacho, waxaana haddii loo baahdo difaaca dhexe ka ciyaari karaya Aurelien Tchouameni ama Ferland Mendy.