Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa si raaxo leh ugu soo baxday wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 1-0 ku dubteen Liverpool oo lugtii labaad ee wareega 16ka marti ku aheyd Santiago Bernabeu.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxay aheyd mid xiiso badan iyadoo labada kooxoodba ay fursado waa weyn iska kala heleen laakiin labada goolhaye Courtois iyo Allison ayaa wacdarro dhigay.
Goolhayaha Liverpool waxa uu sameeyay labo badbaadin oo waali ah, mar waxa uu faraha foodooda ku bixiyay kubad gantaal aheyd oo ka timid Camavinga taasoo ku sii dhacday birta goolka.
Ugu danbeyn Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiqiadii 78aad, kubad uu Camavinga u dhex bixiyay Benzema ayaa waxaa ka difaacday Van Dijk laakiin kubada waxay aaday dhanka Vinicius kaasoo isagoo dhulka jiifa kubada u dhigay Benzema oo si sahlan shabaqa ugu taabtay.
Dadaal kasta oo ay Liverpool bixisay waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay iyadoo ay u babac dhigeen daafacyada Real Madrid.
Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Los Blancos ku garaacday Liverpool iyadoo kooxda Boqortooyada ay ku soo baxday xasuuq 6-2 ah oo ay u geysteen kooxda Liverpool.