Rasmus Hojlund Oo Tijaabada Caafimaadka U Maray Man United & Waqtiga Saxiixiisa Lagu Dhawaaqayo Oo La Shaaciyay

0
90

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Rasmus Hojlund ayaa dhameystiray tijaabada caafimaadka iyadoo Manchester United ay dhameystireyso saxiixa xiddigaan ku fadhiya 72 milyan ginni.

United ayaa la fahamsan yahay inay dhameystireyso dal ku galka Hojlund, diiwaangelintiisa iyo qandaraaskiisa. Hojlund ayaa ogolaaday inuu saxiixo qandaraas shan sannadood ah.

Ku dhawaaqista saxiixa Hojlund ayaa la filayaa in la shaaciyo kulanka saaxiibtinimo ee Man United ay Old Trafford kula ciyaareyso Lens maalinta Sabtida.

United ayaa soo bandhigtay saxiixyada Raphael Varane iyo Casemiro ka hor kulamada ay gurigooda kula ciyaarayeen Leeds United iyo Liverpool labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Hojlund oo 20 sanno jir ah ayaa soo daahay Talaadadii, isagoo xilli dange gaaray garoonka diyaaradaha Manchester taasoo keentay in dib loo dhigo ku dhawaaqista saxiixiisa.

Manchester United ayaa bixineysa 64 milyan ginni oo kaash ah iyo sideed milyan ginni oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa.

Hojlund ayaa noqday bartilmaameedka koowaad ee Manchester United ka dib markii ay ku guuldareysteen saxiixa weeraryahanka Tottenham Harry Kane.