Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal waxay maanta garoonkeeda Emirates Stadium ku martigelin doontaa Manchester United, iyadoo uu Mikel Arteta raadinayo in kooxdiisu dib ugu soo laabato tubta guusha, kaddib barbarrihii niyad-jabka ahaa ee ay usbuucii hore la galeen Fulham.
Gunners oo maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda aan ka faa’iidaysanin oo aan waxba usoo kordhin safkeeda, isla markaana ay ka tageen Rob Holding iyo Albert Sambi Lokonga, ayaa waxa waxa ka dhaawacmay oo maanta ka maqnaanaya xiddiga khadka dhexe ee reer Ghana ee Thomas Partey, waxaana dhaawaciisa xaqiijiyey tababare Mikel Arteta.
Waxa kale oo uu tababaraha reer Spain diiday inuu xaqiijiyo, in Oleksandr Zincenko uu kusoo bilaaban doono difaaca oo uu beddeli doono Jakob Kiwior oo ciyaartii Fulham dheelay, waxaana uu yidhi: “Zinchenko waa ciyaartoy muhiim noo ah, sida Jurren oo kale. Waxa uu Jurrien na siiyey kulamadii ugu horreeyey cajiib ayay ahaayeen, laakiin hadda ma joogo waanu naga dhaawacan yahay.”
Si kastaba, Gabriel Jesus ayaa la filayaa in uu kusoo laabto weerarka kooxdiisa kaddib dhaawac uu ku seegay kulamadii hore oo uu ciyaartii ugu dambaysay ee Fulham qayb ka noqday.
Liiska xiddigaha Arsenal ee kulanka Manchester United oo dhamaystiran
Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, David Raya
Difaacyahanno : Takehiro Tomiyasu, Gabriel Magalhaes, William Saliba, Ben White, Jakub Kiwior, Oleksandr Zinchenko
Khadka Dhexe : Declan Rice, Kai Havertz, Martin Odegaard, Thomas Partey, Leandro Trossard, Fabio Vieira, Jorginho
Weerarka : Bukayo Saka, Eddie Nketiah, Gabriel Martinelli, Gabriel Jesus, Emile Smith Rowe