Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaartoyda Arsenal ayaa u safray magaalada Manchester oo ay kula soo ciyaarayaan Manchester United kulan la indhaha oo dhan kusoo jeedaan oo ay dhaawacyo ragaadiyeen Arsenal laakiin haddii ay guuleystaan ay sii dheeraysan doonaan hoggaanka horyaalka Premier League.
Gunners ayaa ah kooxda kaliya ee illaa hadda dhamaan kulamadeedii badisay, waxaanay helaysaa fursad ay afar dhibcood kaga horreyso Man City oo kusoo xigta isla markaana Sabtidii barbarro la gashay Aston Villa, taas oo ahayd markii labaad ee kooxda tababare Pep Guardiola ay barbarro gasho xilli ciyaareedkan.
Erik ten Hag oo ay kooxdiisu saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah usoo guuleysatay ayaa waxay Old Trafford oo ay Liverpool ku garaacday ay kusoo dhoweynaysaa Arsenal oo ay kala hor tegayaan shax adag oo la filayo inay qayb ka noqdaan saxeexyadii cusbaa.
Haddii Ramsdale uu taam noqon waayo, waxa beddeli doona goolhayaha Maraykanka ah ee Matt Turner oo ay u noqon doonto ciyaartiisii koowaad ee Premier League ee uu ciyaaro, halka maqnaanshaha Odegaard na uu ka faa’iidaysan doono Fabio Vieira oo isaguna kulankiisii koowaad ee uu ugu soo bilowgo Gunners ay u noqon doonto.
Baska ay ku safreen ciyaartoyda Arsenal ayaa maanta ay labaduba kasoo muuqdeen, waxaanay taageereyaashu rajaynayaan in labaduba ay ugu yaraan kursiga kaydka soo fadhiisan doonaan.
Oleksandr Zinchenko oo dhaawac jilibka ah ku seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa isagana lagu soo daray liiska ciyaartoyda Gunners inkasta oo aanu tababarka la qaadanin kooxdiisa oo wali uu shaki weyni ku jiro waqtiga uu taamka noqonayo.
Difaacyahannada kale ee Arsenal ayaa taam ah oo aanay wax dhaawac ah iyo dhibaato kale ka jirin, halka saddexda weeraryahan ee la filayo inay kusoo wada bilowdaan ee Bukayo Saka, Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli ay iyaguna taam yihiin.
Liiska ciyaartoyda Arsenal ee u safray magaalada Manchester
Ramsdale, Turner, White, Soares, Tomiyasu, Holding, Gabriel, Saliba, Marquinhos, Tierney, Zinchenko, Smith, Lokonga, Xhaka, Vieira, Saka, Odegaard, Smith Rowe, Martinelli, Jesus, Nketiah.