Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool oo u muuqata in ay usoo laabteen dhamaan ciyaartoydeedu marka laga reebo laba xiddig oo halbowle ah ayaa maanta safar ku tegaysa magaalada London oo ay ku booqanayso Chelsea oo toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah kasoo gaadhin.
Kaddib toddobaad ay xiisad ka dhax-taagnayd labada kooxood oo ay ku dagaallamayeen saxeexa Moises Caicedo oo ay ku adkaatay Chelsea, waxay labada kooxood maanta ku dagaallami doonaan gudaha garoonka Stamford Brigde.
Horraantii toddobaadkan, tababare Jurgen Klopp ayaa war fiican ka sheegay ciyaartoyda dhaawaca muddada dheer u jiiftay ee Thiago Alcantara iyo Stefan Bajcetic oo uu xaqiijiyey in ay kusoo laabteen tababarka laakiin aanay taam u ahayn kulankan.
Waxa kale oo Reds ka maqnaanaya difaaca da’da yar ee Conor Bradley oo bandhig fiican ka sameeyey kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga ka hor intii aanu dhaawacu soo gaadhin.
Si kastaba, Reds waxay wada haysataa weeraryahannadeeda oo ay la tegayso Stamford Bridge, halka khadka dhexe ay saxeexyadii cusbaa ee Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai ka dheeli doonaan.
Liiska ciyaartoyda Liverpool ee u safray London
Goolhayeyaal: Alisson Becker, Adrian, Caoimhin Kelleher
Difaacyahanno: Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Joel Matip, Ibrahima Konate, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Andy Robertson, Virgil van Dijk
Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Curtis Jones, Harvey Elliott, Bobby Clark
Weeraryahanno: Mohamed Salah, Diogo Jota, Cody Gakpo, Luis Diaz, Darwin Nunez, Ben Doak