Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa goor dhow la dhammeystiray isku aadka wareegga guruubyada ee Koobka Adduunka kaasoo dhammaadka sanadkan ka dhici doona dalka Qatar.
Waxaa isku aadkan loo sameeyay 29 xul oo xaqiijiyay boosaskooda guruubka iyo saddex boos oo u bannaan saddex xul oo ka imaanaya sagaal dal oo uu is-reebreeb u dhimman yahay.
Waxaa wareegga guruubyada kasoo baxay kulammo xiiso gaar ah leh, waxaana ka mid ah in xulalka Spain iyo Germany ay hal guruub wada galeen oo ay foodda is dari doonaan.
Haddaba halkan hoose ka eeg guud ahaan isku aadka wareegga guruubyada Koobka Adduunka:
Group A: Qatar, Netherlands, Senegal, Ecuador
Group B: England, USA, Iran, Wales/Scotland/Ukraine
Group C: Argentina, Mexico, Poland, Saudi Arabia
Group D: France, Denmark, Tunisia, Peru/Australia/UAE
Group E: Spain, Germany, Japan, Costa Rica/New Zealand
Group F: Belgium, Croatia, Morocco, Canada
Group G: Brazil, Switzerland, Serbia, Cameroon
Group H: Portugal, Uruguay, South Korea, Ghana