RASMI: Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha Maarso ugu fiicnaa Kooxda Manchester United… (Yuu ku garaacay?)

0
415

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa bishan gabagabada ah ee Maarso kooxda Manchester United.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa bisha Maarso kaliya ciyaartay saddex kulan, waxaana ay guuleysatay hal kulan, halka labada kulan ee kale laga adkaaday.

Cristiano Ronaldo ayaa saddexleey (hat-trick) saxiixay kulankii kooxdiisa Manchester United guul 3-2 ah ka gaartay Naadiga Tottenham Spur.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa abaal-marinta xiddiga bisha ee kooxda Manchester United ku garaacay Sancho iyo Fred.