RASMI: Afar Ciyaartoy Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee Kulanka Wolves Ee Maanta

0
90

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulanka adag ee duhurka maanta ay martida u noqonayaan Wolverhampton Wanderers oo ay ugu tegayaan Molineux Stadium.

Liverpool oo ciyaartii ugu dambaysay si xun u karbaashtay Aston Villa ka hor intii aan loo bixin kulamada caalamiga ah, ayaa waxa maanta ka maqan afar ciyaartoy oo saddex ka mid ah ay laf-dhabar yihiin oo maqnaanshahoodu uu walwal ku hayo jamaahiirta kooxda.

Saxeexii cusbaa ee maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee Ryan Gravenberch ayaa qayb ka noqday liiska ciyaartoyda Reds oo filaya inuu kusoo bilowdo, waxaana uu Klopp ka fiirsan doonaa inuu ku lammaanaysiiyo Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa iyo Ibrahima Konate ayaa taam u noqday ciyaartan, balse Nunez ayay u badan tahay inuu beddel ku yimaaddo maadaama jugtii soo gaadhay ay u baahan tahay waqti soo kabasho.

Reds ayaa waxa kale oo ay dib u heshay da’yarka khadka dhexe ee Stefen Bajcetic oo xilli-ciyaareedkii hore adduunyada is-baray balse muddo dhawr bilood ah u jiifay dhaawac sababay in qalliin lagu sameeyo.

Dhinaca kale, Jurgen Klopp ayaa waxa uu xaqiijiyey, in ciyaarta maanta uu dhaawac kaga maqan yahay kabtan ku-xigeenka kooxdiisa ee Trent Alexander-Arnold, sidoo kalena aanu taam ahayn Thiago Alcantara, halka Virgil van Dijk uu ganaax ku seegayo ciyaartan. Waxa kale oo Liverpool ka maqan Conor Bradley oo xagaagii loosoo dallacsiiyey kooxda koowaad.

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Wolves ee maanta

Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian

Difaacyahanno: Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Ibrahima Konate, Joel Matip, Andy Robertson, Kostas Tsimikas, Jarell Quansah

Khadka dhexe: Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Curtis Jones, Stefan Bajcetic, Wataru Endo, Bobby Clark, Ryan Gravenberch

Weeraryahanno: Mohamed Salah, Diogo Jota, Cody Gakpo, Luis Diaz, Darwin Nunez, Ben Doak