Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka Barcelona ee Raphinha ayaa mar kale la kulmay dib-u-dhac ku yimid soo kabashadiisa dhaawacii muruqa bowdada, taasoo halis gelisay inuu seego kulanka weyn ee El Clásico ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Real Madrid, sida ay sheegtay RAC1.
Xiddiga reer Brazil ayaa horey u maqnaa tan iyo bishii hore, balse soo kabashadiisu waxay qaadatay waqti ka dheer sidii la filayay. Warbixinta RAC1 ayaa tilmaamaysa in dhakhaatiirta kooxda ay ku khasbanaadeen inay dib u dhigaan soo laabashadiisa kadib markii dhibaatooyin cusub ay soo baxeen maalmihii dambe.
Sidaas darteed, Raphinha ma uusan la tababaran kooxdiisa Ciutat Esportiva Arbacadii, taasoo sii dheeraysay maqnaanshihiisa tababarka buuxa.
Barcelona ayaa hadda rajaynaysa in uu diyaar u noqdo kulanka weyn ee Real Madrid, hase yeeshee RAC1 ayaa sheegtay in fursadiisu ay aad u yar tahay.