Ra’isul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada “Sawirro”

0
199

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare Mudane Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshadda Mudane Maxamed Caabi Xasan iyo hawl-wadeeno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda DFS ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble.

Ujeedada kulanka ayaa waxa uu ahaa in warbixin laga siiyo Ra’iisul Wasaaraha dalka u diyaar garowga ka qayb galka Soomaaliya ee shirwaynaha Caalamiga ah ee Iskaashiga Waxbarashada (GPE Submit) oo lagu qaban doono dalalka Ingiriiska iyo Kenya 28ka iyo 29ka Bisha Luulyo 2021, Soomaaliyana ay ka mid tahay dalalka sida rasmiga ah loogu casuumay in ay ka qeyb galaan.

Bahda Caalamiga ah ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE) ayaa ah Sanduuq Caalami ah oo dhaqaale ku taageero dalalka soo koraya ee caalamka si ay horumar uga gaaraan baahinta helitaanka Waxbarashada, kor-u-qaadista Tayada Waxbarashada iyo dhisidda nidaamka hay’adaha dawligga ah ee bixinta adeeggyadda Waxbarashada.