Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay xubin sare oo FIFA ka tirsan

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay maantay Mudane Suleyman Xasan Waaberi oo ah Xubin sare oo ka tirsan Golaha FIFA ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti . Kulankan waxaa ka qayb ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdiqadir Cali, iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud, Masuuliyiin kale iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo wehlinayay martida.

Booqashada Guddoomiye Suleyman Waaberi ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, halkaas oo uu kulan isbarasho iyo wada-tashi ah kula yeeshay masuuliyiinta wasaaradda, ka hor inta aysan u gudbin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Is aragaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka kubadda cagta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, horumarinta ciyaaraha gobolka, iyo sidii FIFA iyo CAF ay u sii kordhin lahaayeen taageeradooda ku aaddan horumarinta kubadda cagta ee geeska Afrika.