Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa Jimcaha maanta ah sheegay inuu u dhaqaaqay inuu “difaaco” dalkiisa, xilli uu isku diyaarinayay inuu marqaati ka furo dacwad la xiriirta go’aankii 2019-kii ee uu kaga horjoogsaday markab siday dad muhaajiriin ah inuu soo dejiyo.
Salvini oo madax ka ah xisbiga midigta fog ee Lega, islamarkaana saaxiib la ah xulufada ra’iisul wasaaraha iminka Giorgia Meloni, ayaa si xooggan u beeniyey eedaha ku saabsan xorriyad qaadista iyo ku takri-fal awoodeed oo la xiriira dhacdadii 2019-kii, markaasi oo uu ka tirsanaa dowlad kale.
Salvini ayaa sheegay inuu ilaalinayey Talyaaniga markii uu hirgeliyey xeerkaas amni, oo uu ku sheegay tallaabo adag oo ka dhan ah dadka soo tahriibiya muhaajiriinta kasoo baxa Waqooyiga Afrika.
Maxkamadeynta Jimcaha maanta ayaa ah markii ugu horreysay ee Salvini uu horyimaado maxkamadda, oo uu ku macneeyey mid siyaasad ay ka dambeyso.