Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu weheliyo madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo kormeer ku tagay dekadda Magaalada Kismaayo.

0
140
Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu weheliyo madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay dekadda Magaalada Kismaayo.
Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer iyo indho- indheyn ku tagay dekadda Magaalada Kismaayo oo kamid ah ila dhaqaale ee ay Dowlad Goboleedka Jubbaland leedahay, Wasiirka dekadaha Jubbaland iyo maareeyaha dekadda Kismaayo ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay howlaha shaqo ee ka socday dekadda.