Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisal wasaaraha Kanaada Justin Trudeau ayay dibadbaxayaal careysani la eegteen dhagax tuur xilli u ku guda jiray olole doorasho.Isagoo markaa ka so baxay warshad kuna sii jeeday baskii uu watay ayaa dhagxaan lagu rusheeyay. Waxaa la sheegay inuusan ku dhaawacmin dhacdadaasi.
Mr Trudeau ayaa doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay ku baaqay in la qabto bishan isagoo rajeynaya inuu aqlabiyad u hela xisbigiisa bidix dhexe oo uu dowlad cusub u soo dhiso.Balse ololihiisa waxaa hareeyay dibadbaxyo ka dhan talaalka Covid 19 iyo tallaabooyinka ay dowladdiisa soo rogtay ee la xiriira tallaalka.
Isbuuc ka hor, waxaa lagu khasbay inuu baajiyo olole doorasho ka dib markii dibadbaxayaal careysan ay xafladiisa arbusheen.Isagoo magaalada Ontario kula hadlayay warfidiyeennada, ayaa Mr Trudeau waxa u sheegay inuu sigtay iyadoo dhagxaantaasi qaar ka mid ah uu dirqi uga badbaaday.
Ugu yaraan laba qof oo kale oo la safreysay ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inay dhagxaantaasi qaar ka mid ah ku dhaceen.Erin O’Toole, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa dhacdadaasi si kulul u cambaareeyay.
Qorshaha Mr Trudeau uu ku doonaya inuu qasab uga dhiga qof walba inuu tallaal qaato ayaa horseeday muran badan oo hareeyay doorashada.Bishii la soo dhaafay ayay dowladda waxa ay shaacisay in dhammaan shaqaalaha dowladda ay qataan talaalka Covid marka ay dhammaato bisha Oktoobar. Qofkii qaadan waayana wuxuu khatar ugu jiraa inuu lumiyoshaqadiisa.
Dhamman rakaabyada noocyada kala duwan ee gaadiidka ayaa sidoo kale khasb laga dhigay ina qaataan talaalka ka or inta aysan safrinKanada waxay ka mid tahay dalalka sida baahsan shacabkooda uga talaalay Covid 19