Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Raa’iisul wasaaraha Japan Shigeru Ishiba ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka madaxtinimo ee xisbiga Liberal Democratic Party (LDP), todobaadyo uun ka dib markii isbahaysiga talada haya uu guuldarro taariikhi ah kala kulmay doorashadii bishii July.
Go’aanka Ishiba ee ah in uu xilka ka dago Axadda maanta ayaa timid ka dib markii uu markii hore ka horyimid baaqyo ka soo baxay xisbigiisa oo ahaa in uu iska casilo xilka ka dib guul daradii doorashada ee July, isaga oo sheegay in uu doonayay in uu hubiyo in heshiiska canshuuraha ee uu la galay Mareykanka uu si haboon u dhaqan galay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in wasiirka beeraha Japan iyo raa’iisul wasaarihii hore ay la kulmeen Ishiba fiidnimadii Sabtida si ay ugu qanciyaan inuu iscasilo.
Inkastoo xafiiska raa’iisul wasaaraha uusan weli ka hadlin wararka is casilaadiisa, dowladda Japan ayaa xaqiijisay in Ishiba uu la hadli doono saxaafada galinka dambe ee Axadda, maalin ka hor inta aan la qorsheynin LDP inay u codeyso in la qabto doorashada hoggaanka xilli hore.