R/Wasaarihii dalka Mali oo geeriyooday isagoo ku xukuman xabsi dheer

0
198

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mali Soumeylou Boubèye Maïga, ayaa maanta geeriyooday isagoo 67-sano jir ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sanadihii u dambeeyey wajahaayey xabsi lagu xukumay, kadib markii lagu helay eedeymo musuq maasuq oo la xariiray inuu lunsaday lacago lagu soo ibin lahaa diyaarado ay yeelato Maali.

Ra’iisul Wasaare Maïga ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada caasimada ah ee Bamako, dowladdu oo war ka soo saartay geeridiisa waxay sheegtay in uu u dhintay ‘xanuun muddo dheer hayay’ waxayna tacsi u dirtay ehelladiisa.

Soumeylou Boubèye Maïga ayaa xilka ra’iisul wasaaraha Maali iska casilay sanadkii 2019-kii, kadib markii caro ka dhalatay musuqa lagu eedeeyey ay sababtay geerida 160 qof oo oo qowmiyadda Fulani ah, kuwaas oo intooda badan lagu dilay deegaanka Ogossagou ee gobolka Mopti ee dalka Mali.