Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lionel Messi ayaa ka bixi doona saaxadda tartameyaasha dhabta ah ee abaal-marinta xiddiga adduunka adduunka ee Ballon d’Or, kaddib markii uu siddeed jeer oo xidhiidh ah ku guuleystay, sidoo kalena waxa aan tartameyaasha dhabta ah ee sannadka 2024 ee Ballon d’Or aan ku cadcaddayn sababtoo waxa uu ka ciyaaraa horyaalka Sucuudiga oo hoos u dhigaya qiimayntiisa.
Ciyaartoy cusub ayaa la filayaa in uu ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or 2024 ee xiddiga adduunka, iyadoo Lionel Messi oo sannadkan sii dhamaanaya qaatay la filayo inuu wareejiyo abaal-marinta oo uu waliba si dhab ah u xaqiiqsado in aanu tartame dhab ah noqon doonin maadaama uu ka ciyaaro horyaalka Maraykanka oo ay qiimayntiisu hoosayso.
Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo kaalmaha labaad iyo saddexaad kala galay sannadkan oo uu Messi ku guuleystay ayaa la filayaa inay noqdaan kuwa ugu cadcad, laakiin waxa iyaguna ay loollan adag kala kulmi doonaan ciyaartoy waqti horeba muujiyey in haddii uu qaabka uu ku jiro ku dhamaysto xilli-ciyaareedka uu noqonayo midka looga dambeeyo.
Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa noqday ciyaartoyga ay tartanka adag kala kulmayaan Erling Haaland iyo Kylian Mbappe kaddib markii uu laacibkani bandhig cajiib ah oo ay ku ladhan tahay gool-dhalin uu ku bilowday waayihiisa Real Madrid.
Ciyaartii El Clasico oo uu laba gool ka dhaliyey isaga oo saddex bilood oo kaliya joogay Spain ayaa cirka geystay qiimaynta laacibkan, isaga oo sidoo kalena hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka LaLiga.
Qiimaynta lagu sameeyey ciyaartoyga ugu cadcad Ballon d’Or 2024, waxa kaalinta koowaad ku jira Jude Bellingham oo la isku raacsan yahay in haddii uu kooxdiisa Real Madrid kula guuleysto Champions League iyo LaLiga, sidoo kalena uu xulka qaranka England meel fiican ka gaadho tartanka Euro 2024 ee lagu qaban doono waddanka Germany xagaaga, in aanay cidina kula tartami karaynin.
Halkan kaga bogo qiimaynta ciyaartoyda ugu cadcad ku guuleysiga Ballon d’Or 2024
14. Robert Lewandowski (Barcelona)
13. Bukayo Saka (Arsenal)
12. Bernardo Silva (Manchester City)
11. Cristiano Ronaldo (Al Nassr)
10. Lautaro Martinez (Inter)
9. Vinicius Junior (Real Madrid)
8. Julian Alvarez (Manchester City)
7. Antoine Griezmann (Atletico Madrid)
6. Mohamed Salah (Liverpool)
5. Rodri (Manchester City)
4. Erling Haaland (Manchester City)
3. Harry Kane (Bayern Munich)
2. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)
1. Jude Bellingham (Real Madrid)