QIIMAYN: 50ka Ciyaartoy Ee Ugu Wanaasanaa Taariikhda Kubadda Cagta – Ronaldo Oo Boos Lama Filaan Ah Ku Jira

0
94

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta ayaa la shaaciyey, laakiin waxa xaqiiqo ah in taageereyaasha qaarkood aanay rumaysan karaynin booska uu ku jiro xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Qiimayntan oo ah xogta diiwaangashan ee ciyaartoydii soo martay kubadda cagta, waxa ay kala saartay labadii ciyaartoy ee xafiiltanka badan ka dhexeeyey ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, sababtoo ah waxay ku jiraan laba meelood oo aad u kala durugsan.

Laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa gebiahaanba ka maqan liiska 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, inkasta oo uu koobab badan ku guuleystay sidoo kalena bandhig fiican ka sameeyey garoomada.

Arrinta cajiibka ah ee laga yaabo inay lama filaanka kugu noqoto, waa Cristiano Ronaldo oo kaalinta 10aad kaga jira liiska 50ka ciyaartoy ee ugu sanaagsan kubadda cagta, halka Lionel Messi oo ay xafiiltamaan uu hoggaanka u hayo liiska oo uu 1aad ku jiro.

Halyeygii Brazil ee Pele ayaa kaalinta labaad ku jira oo kusoo xiga Messi, iyadoo Diego Maradona iyo Johan Cruyff ay afarta sare ka mid noqdeen.

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta 

50- Gareth Bale

49- Robert Lewandowski

48- John Robertson

47- Roy Keane

4th- Lothar Mathaus

45- Hugo Sanchez

44- Paul Gascoigne

43- Hristo Stoichkov

42- Denis Law

41- Thomas Muller

40- Romario

39- Jairzinho

38- Thierry Henry

37- Dennis Bergkamp

36- Franco Baresi

35- Gerson

34- George Weah

33- Andres Iniesta

32- Xavi

31- Paolo Maldini

30- Stanley Matthews

29- Lev Yashin

28- Nándor Hidegkuti

27- Duncan Edwards

26- Kenny Dalglish

25- John Charles

24- Gianni Rivera

23- Bobby Moore

22- Cafu

21- Marco van Basten

20- Michel Platini

19- Roberto Baggio

18- Ronaldinho

17- Eusebio

16- Kylian Mbappe

15- Gerd Muller

14- Sir Bobby Charlton

13- Ferenc Puskas

12- Franz Beckenbauer

11- George Best

10- Cristiano Ronaldo

9- Zico

8- Garrincha

7- Ronaldo Nazario

6- Alfredo di Stefano

5- Zinedine Zidane

4- Johan Cruyff

3- Diego Maradona

2- Pele

1- Lionel Messi