Qiimaha lakala siisto baradhada suuqyada magaalada dhoobley oo sare u kac ku yimid

0
207

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qiimaha Baradhada ee Suuqyada Magaalada Dhoobley ayaa laga dareemayaa Sare u kac xoggan.

Sicirka khudaarta gaar ahaan Baradhada ee sare u kacay ayaa saameyn ku yeeshay dadka dan yarta ah ee ku nool magaalada Dhoobley ee Gobolka jubbada Hoose.

Waxaa iminka aan suurtagal ahayn helitaanka qaar ka mid ah khudaarta cagaaran ee ka imaata Dhanka Deegaanada Gosha taas oo aanan waqtigan laga heleynin suuqyada lagu iibiyo khudaarta ee magaalada Dhoobley.

Faadumo Maxamed Cali Iyo Nasra Shaafi waxa ay kamid yihiin Ganacsatada iibiya Khudaarta ee Deegaanka Dhoobley waxa ay Radio Sanguuni uga warbixiyeen waxyaabaha keenay isbadalka ku yimid Qiimaha Baradhada.

Fardowsa Axmed Cabdi ayaa warbixintan inooga diyaarisay