Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga isku dhafka ah ee labadda aqal ee doorashada madaxweynaha ayaa wada diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha oo maanta ka dhaceyso Teendhada Afisyooni ee Magaalada muqdisho.
Guddiga ayaa ku diyaariyay goobaha loo asteeyay in lagga gallo xarunta Afisyooni gawaariddii qaadi lahayd maanta Musharixiinta madaxweynaha iyo sidoo kale basaskii iyanna qaadi lahaa Xildhibaanada Labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.
Ciidamada howlgalka ATMIS ee loo aran jiray AMISOM ayaa kacanta ku heeyo Hoolka Afisyooni iyo guud ahaanba xeeyndaab xalanne, waxaana ku wehliyo Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya .
Ciidamada ATMIS ayaa weeydinaya qofka gelayo Xeyndabka xalanne aqoonsigiisa Iyo waxa uu yahay, mana jirto Cid aan la hubin oo halkaasi geleeyso xitaa Musharixiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Labada aqal.
Doorashadaaan oo ay isha ku hayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed ee joogta dal iyo dibad ayaa ka adag marka loo eego doorshoyinkii hore ee dalka ka dhacay, waxaan u tartameeysa ku dhawaad 35 Musharax.