Putin oo markale Ukraine ku eedeeyey inay daandaansi wadaan

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne Putin ayaa ku eedeeyay ciidamada qalabka sida ee Ukraine in ay wadaan “daandaansi ballaaran” iyaga oo ku soo duulay gobolka Kursk ee Ruushka.

Mr Putin ayaa ku eedeeyay kooxda weerarka geysatay inay si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyeen dhismayaal rayid ah.

Waxa uu sheegay in uu kala hadlay arrimahaasi saraakiishiisa ammaanka. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in dagaalka — oo bilowday talaadadii — uu sii socday.

Gudoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in dadka deegaanka goobaha xuduudka ku dhaw ee ammaanka ah. Sida laga soo xigtay maamulka Ruushka, ugu yaraan afar iyo labaatan qof — oo qaarkood ay caruur yihiin — ayaa ku dhaawacmay duqeymo.

Ukraine si rasmi ah ugamay hadlin waxa ka dhacay gobolkaas.