Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa heshay beddelka xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo saacado ka hor muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu ka tegayo kooxdiisa dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Kylian Mbappe oo tan iyo bishii February la isla dhax-marayey inuu u wareegayo Real Madrid oo uu heshiis la gaadhay, ayaa waxa uu fiidkii sheegay in la gaadhay waqtigii uu noloshiisa u furi lahaa cutub cusub, kaddib toddoba sannadood oo uu joogay Parc des Prince, isaga oo sidoo kalena xaqiijiyey inuu dibedda uga baxayo waddankiisa inkasta oo aanu si cad carrabka ugu dhufanin inuu tegayo Real Madrid.
BBC-da ayaa sheegtay in Mbappe uu heshiis shan sannadood ah u saxeexay Real Madrid oo sannadkii uu mushahar uga qaadan doono £12.8 milyan oo Gini iyo £128 milyan oo Gini oo ah lacagta xaqal-saxeexa oo laacibkan ay Real Madrid siin doonto maadaama uu si xor ah ugu soo biirayo. Waxa intaas u dheer in uu 25% xuquuqda sawirkiisa isagu yeelanayo halkaas oo uu lacago badan ka samayn doono.
Wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay caawa, in PSG ay la xidhiidhay kooxda kubadda cagta Napoli oo ay ka doonayso Khvicha Kvaratskhelia oo ay ka dhigan doonaan beddelka Mbappe, sidoo kalena ay isla kooxdaas kasoo qaadan doonaan Victor Osimhem oo ay u xidhi doonaan No.9.
Khvicha Kvaratskhelia oo u dhashay waddanka Georgia oo qandaraaska uu kula jiro Napoli uu soconayo illaa sannadka 2027, ayaa waxa la sheegay in lagu heli karayo lacag dhan €80 milyan oo Euro, taas oo kooxda bixisa ay kaxaysanayso 23 jirkan.