Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Premier League ayaa soo saaray bayaan ay ku sharxayaan sababta uu garsooraha Video Assistant Referee (VAR) u burin waayay go’aankii ciyaarta looga saaray da’yarka kooxda Arsenal ee tartanka Myles Lewis-Skelly kulankii Wolves.
Ciyaaryahanka ka qalin jabiyay Akademiyada Gunners ayaa waxaa loo taagay kaadhka cas ee tooska ah kadib markii uu khalad ku galay Matt Doherty. Lewis-Skelly ayaa dhulka dhigay xiddiga Wolves wuxuuna bilaabay inuu kubbada la soo baxo xerada ganaaxa.
Garsooraha ayaa si deg deg ah u aaday jeebkiis waxan uu kala soo baxay kaadhka cas.
Go’aanka waxa qiimaysay VAR laakiin ma diidin go’aanka garsooraha garoonka.
Maamulka premier league ayaa haatan Sharaxay Sababtii ay ay VAR u diidi Wayday go’aankii garsooraha garoonka dhexdiisa.
“Kaadhka cas ee garsooruhu bixiyay waxa qiimaysay VAR, laakiin waxa ay go’aamiyeem in khaladkii uu galay Myles Lewis-Skelly uu ahaa mid halis galinaya ciyaaryoyga”