Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka Premier League ayaa isbeddel ku sameeyey baahinta kulamada qaybta hore ee bisha November, waxaanay saamayn doontaa ciyaaro waaweyn oo la sugayo oo ay naadiyo awood leh iskaga hor iman doonaan.
Tiro ka mid ah kulamada bisha November ayaa isbeddel lagu sameeyey taariikhdii hore loogu qorsheeyey in la ciyaaro iyo sidoo kale waqtiga ay bilaabmayaan intaba.
Ciyaaraha waaweyn ee uu saamaynayo isbeddelkan ayaa waxa ka mid noqon doona Manchester United, Arsenal iyo Chelsea oo ku jira baahinta telefishanka TNT Sports.
Safarka Manchester United ugu tegayso Fulham ayaa laga dhigay 12.30pm waqtiga Geeska Afrika ee maalinta Sabtida ah ee November 4, halka isla maalintaas oo waqti dambe ah ay kulmi doonaan Arsenal vs Newcastle United oo telefishanka Sky Sports uu u qorsheeyey in ay ciyaartoodu bilaabanto 5.30pm waqtiga UK.
Waxa dib loogu riixay maalinta Axadda ee November 5 kulamada Nottingham Forest vs Aston Villa iyo Luton Town vs Liverpool iyadoo kooxda tababare Jurgen Klopp marti u noqon doonta kooxda heerka labaad ka timid marka ay saacaddu tahay 4.30pm waqtiga UK.
Waa kuwan kulamada Premier League ee November ee isbeddelka lagu sameeyey
Fulham vs Manchester United, November 4, 12.30pm (TNT Sports)
Newcastle vs Arsenal, November 4, 5pm (Sky Sports)
Nottingham Forest vs Aston Villa, November 5, 2pm (Sky Sports)
Luton vs Liverpool, November 5, 4.30pm (Sky Sports)
Tottenham vs Chelsea, November 6, 8pm (Sky Sports)
Wolves vs Tottenham, November 11, 12.30pm (TNT Sports)
Bournemouth vs Newcastle, November 11, 5.30pm (Sky Sports)
Aston Villa vs Fulham, November 12, 2pm*
Brighton vs Sheffield United, November 12, 2pm*
Liverpool vs Brentford, November 12, 2pm*
West Ham vs Nottingham Forest, November 12, 2pm (Sky Sports)
Chelsea vs Manchester City, November 12, 4.30pm (Sky Sports)
* Moved due to clubs playing in Europe on previous Thursday