Piqué Oo Difaacay Lamine Yamal Kadib Hadalladii Ka Dhanka Ahaa Real Madrid

0
124

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lamine Yamal ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay hadalladii uu ka jeediyay Real Madrid, isaga oo ku eedeeyay in mar walba ay garsoorayaasha eedeeyaan islamarkaana ay isku dayaan inay dareenka ciyaarta oo dhan iyaga lagu soo koobo.

Wararka gudaha ka imaanaya ayaa sheegaya in qolka labiska ee Real Madrid uu si weyn uga carooday hadallada Yamal, waxaana la filayaa in kabtankooda Dani Carvajal uu la hadlo xiddigan Barcelona kadib El Clasico Axadda.

Si kastaba ha ahaatee, halyeyga Barcelona Gerard Piqué ayaa si degan uga jawaabay dhaleeceyntaas, isaga oo difaacay Yamal.

Piqué wuxuu yidhi:

“Aan ku qaadanno Lamine sida uu yahay. Dabcan, waayo-aragnimo ayuu yeelan doonaa mustaqbalka, hadda 18 jir ma aha 38 jir.”

Isagoo ka hadlayay sida Real Madrid uga falcelisay ayuu Piqué ku daray:

Dhaleeceynta Madrid waa la fahmi karaa. Waxay jeclaan lahaayeen inay iyaguba helaan Lamine sidaas oo kale ah.”

Dhanka kale, halyeyga kale ee Barcelona Andrés Iniesta ayaa sheegay in hadallada Yamal ay xoojinayaan xiisadda iyo xiisaha weyn ee El Clasico ee Axadda: “Hadalladiisa  ciyaarta ayay ka dhigayaan mid kulul. El Clasico mar walba waa kulan weyn, laakiin tani waxay kordhisay xiisaha.”

Barcelona iyo Real Madrid ayaa Axadda wada ciyaari doona El Clasico iyadoo labada koox ay u dagaalamayaan hoggaanka horyaalka.