Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa xaqiijisay in Pedri uusan ka qeyb geli doonin ciyaarta ay la yeelanayaan Elche, kadib markii khadka dhexe uu kaar cas qaatay dhamaadkii kulankii El Clásico ee Santiago Bernabé.
Xiddiga 22-jirka ah ayaa helay kaarka jaalaha ah ee koowaad markii uu jiiday Vinicius Jr, halka kaarkii labaad loo siiyay qalad uu ka galay Aurélien Tchouaméni – taasoo ka dhigaysa kaarkiisii casaa ee ugu horreeyay xirfadiisa.
Ganaaxiisa halka kulan ayaa ka dhigan in Hansi Flick uu waayi doono mid ka mid ah ciyaaryahannadiisa ugu saameynta badan, xilli kooxda ay durba la daalaa dhacayso dhaawacyo badan oo heysta:
Robert Lewandowski
Gavi
Joan García
Dani Olmo
Raphinha
Inkasta oo maqnaanshahan uu yahay khasaare dhanka kooxda ah, haddana waxaa laga yaabaa inuu Pedri helo nasasho muhiim ah, maadaama uu si joogto ah uga soo muuqday kulamadii ugu dambeeyay.
Barcelona oo hadda shan dhibcood ka dambeysa Real Madrid, ayaa isku dayi doonta inay dib u soo laabato marka ay Elche la ciyaarto usbuuca soo socda.






