Patrick Vieira Oo Si Lama Filaan Ah U Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Da’yarta Kubadda Cagta Ee Hadda Soo Kaceysa

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Macallinka Faransiiska ee Genoa, Patrick Vieira, ayaa si weyn u amaanay weeraryahanka da’da yar ee Paris Saint-Germain (PSG), Desire Doué, kaasoo kamid ah musharrixiinta abaalmarinta Golden Boy 2025.

Isagoo wareysi siinayay Foot Mercato, Vieira ayaa yiri:

“Desire Doué waa ciyaaryahanka da’yarta ugu fiican Yurub. Wuxuu gool dhaliyay finalkii Champions League, halkaas oo uu ku muujiyay dhammaan hibadiisa. Wuxuu si weyn isugu muujiyay Rennes, wuxuuna sii wataa koritaanka PSG.”

Vieira ayaa intaas ku daray in Doué uu soo maray waqti adag, balse uusan quusanin:

“Wuxuu la kulmay xilli adag, balse wuu shaqeeyay, waligiina ma joojin dadaalka.”

Marka laga hadlayo abaalmarinta Golden Boy, Vieira ayaa sheegay:

“Lamine Yamal sanadkan lama magacaabi karo, sidaas darteed waxaan aaminsanahay in Doué uu ku guuleysan doono. Waa ciyaaryahan leh karti aad u weyn.”

“Koox kastaa waa inay siisaa jawi uu ku barto, ku khaldamo, kadibna wax kaga barto. Desire Doué waa tusaalaha ugu fiican ee tan.”

Vieira ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Aniga ahaan, waa kan ugu fiican da’yarta adduunka.”