Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Chelsea Cole Palmer ayaa si cad u muujiyay cidda uu u arko “GOAT”-ka kubadda cagta, isagoo sheegay in saddex ciyaaryahan ay ka sarreeyaan Cristiano Ronaldo.
Isagoo wareysi siinayay Sports Direct, Palmer ayaa la weydiiyay inuu magacaabo shanta ciyaaryahan ee ugu fiican kubadda cagta, balse Ronaldo – oo ay taageerayaal badan u arkaan ciyaaryahanka ugu weyn taariikhda – ayaa kaalinta afraad kaga jira liiskiisa.
Palmer ayaa ku tilmaamay Lionel Messi “GOAT”-ka dhabta ah, isagoo magacaabay Neymar iyo Wayne Rooney inay yihiin kuwa uu si gaar ah u qadariyo.
Messi ayaa xirfaddiisa cajiibka ah ku soo qaatay Barcelona, isagoo la qaaday 10 horyaal oo La Liga ah iyo 4 koob oo Champions League ah. Neymar, oo isna Barca kula soo ciyaaray Messi, ayaa sidoo kale ka mid ahaa magacyada uu Palmer xusay.
Dhanka Rooney, wuxuu caan noqday markii uu Everton u dhaliyay gool cajiib ah oo ka dhan ahaa Arsenal, ka hor inta uusan noqon halyeeyga Manchester United, isagoo dhaliyay 253 gool — rikoor taariikhi ah oo kooxdaas ah.
Dhanka kale, Cristiano Ronaldo, oo 40 jir ah, weli si heer sare ah ayuu u ciyaarayaa, isagoo Al-Nassr u dhaliyay 5 gool 6 kulan gudahood xilli ciyaareedkan, mana u muuqdo inuu dhowaan ciyaaraha ka fariisanayo.
Markii la weydiiyay haddii uu jiro lambarka 10-aad ee uu tusaale u arko, Palmer ayaa yiri: “Messi waa kan ugu weyn, Rooney iyo ciyaartoy la mid ah. Waa lambar taariikhi ah. Waxaan xirnaa lambarka 10 intii aan korayay, waana jeclahay.”