Ousmane Dembele Oo Magacaabay Xiddiga Ku Guuleysan Doona Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Sanadka Dambe

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Paris Saint-Germain ee reer France Ousmane Dembele ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in saaxiibkiis Kylian Mbappé uu dhawaan ku guuleysan doono abaalmarinta caanka ah ee Ballon d’Or.

Dembele ayaa hadalkan sheegay kaddib guushii weynayd ee PSG 7-2 kaga badisay Bayer Leverkusen kulankii Champions League.

“Waxaan rajeynayaa in hal maalin Kylian Mbappé uu guriga keeni doono Ballon d’Or-ka,” ayuu Dembele yiri. “Wuxuu u qalmaa abaalmarintaas, maadaama uu leeyahay xirfad iyo waayo-aragnimo cajiib ah. Hal maalin, waxaan rajeynayaa inuu helo.”

Dembele ayaa hadda ah xiddiga horyaalka adduunka (Ballon d’Or)  kaddib markii uu PSG ka caawiyay inay ku guuleysato Champions League xilli ciyaareedkii hore. Haddii ay kooxdiisu mar kale ku guuleysato tartanka, waxaa suuragal ah inuu mar kale difaacdo abaalmarintiisa.

Kooxda PSG ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay si ka sii xoog badan sidii ay ku billowdeen xilli ciyaareedkii hore ee Champions League, taas oo sii xoojinaysa rajooyinka Dembele iyo Mbappé.