Kooxda kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa xaqiijisay inay Timo Werner kala soo wareegeen Naadiga RB Leipzig, aduun dhan 53 milyan oo euro.
Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Olivier Giroud, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Koox kasta oo weyn, waxaa ka jira tartan, taas oo igu dhiirrigelisa inaan u dagaallamo booskeyga”.
“Hadda, ma ahi mid doqon ah, waxaanan ogahay inay kooxdu u soo iibsatay Timo Werner inuu ciyaaro, hal shay waa hubaal, taasoo ah inaanan isku qaab aheyn, wuxuu jecel yahay inuu ka ciyaaro labada dhinac, wuxuu taas ku sameeyay kooxdiisii hore iyo xulkiisa”.
“Hadii uu ahaan lahaa weeraryahan aan isku qaab nahay, waan ka walwal badnaan lahaa sidan, laakiin waxaan u maleynayaa in kulamada kala duwan iyo kooxaha kala duwan ee aan la ciyaari doono, uu tababaraha dooran doono nidaamyo xeeladeed oo kala duwan, runtiina waxaan rajeynayaa inaan ciyaaro kaddib wixii aan sameeyay sanadkii hore”.
Gool FM.