Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka kooxda Chelsea, Nicolas Jackson iyo wakiilkiisa Ali Barat ayaa si rasmi ah loogu sheegay inay ku laabtaan London, sida uu xaqiijiyay khabiirka suuqa ciyaartoyda Fabrizio Romano. Go’aankan ayaa qayb ka ah nidaamka caadiga ah, maadaama ciyaaryahanku weli hoos yimaado heshiiskii Chelsea.
Soo laabashadan ayaa timid kadib markii uu burburay heshiiskii amaahda ee Jackson uu ugu biiri lahaa Bayern Munich. Sababta ayaa ah dhaawac muruqa bowdada ah oo soo gaaray Liam Delap, taasoo ka dhigtay in Chelsea aysan diyaar u noqon inay weeraryahanka reer Senegal ku fasaxdl qaab amaah ah, iyadoo kaliya oggolaan lahayd iib joogto ah.
Si ay u xoojiyaan weerarka, Chelsea ayaa sidoo kale heshiis ku gaartay inay dib ugu yeeraan Marc Guiu, kaasoo amaah ugu maqnaa Sunderland.
Isbedelladan ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan kaalinta mustaqbal ee uu Jackson uu ku yeelan doono Stamford Bridge, iyadoo tababaraha iyo taageerayaashuba sugayaan sida uu ula qabsan doono xilli ciyaareedka.