Newcastle United oo diyaar u ah inay Manchester City kula dagaallanto saxiixa laacibka PSG ee Neymar Jr & Lacagaha ay ku dooneyso oo daaha laga rogay

0
183

Dhobley(Idaacadda Sanguuni). Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa xiiso badan ka helaya kooxaha ka dhisan dalka Ingiriiska sida Manchester City iyo Newcastle United oo cudud dhaqaale adeegsanaya.

PSG ayaa suuqa keentay xiddiga reer Brazil tan iyo markii ay isaga iyo Lionel Messi ku orriyeen taageerayaasha, waxaana la warinayaa kooxda Faransiiska ka dhisan inuu ka dhammaaday dulqaadkii ay u heysay Neymar kaasoo sanadkii 2017 ay kusoo iibsatay 198 milyan oo gini isagoo markaas noqday laacibka ugu qaalisan kubadda cagta.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda Fichajes ee kasoo baxday dalka Spain ayaa baahisay in sucuudiyaanka iska leh kooxda Newcastle ay diyaar u yihiin inay xiddigan kusoo iibsadaan 200 milyan oo gini si ay saxiixiisa ugu garaacaan kooxda Man City oo dhowaan soo bandhigtay xiisaha ay u heyso laacibkii hore ee Barcelona.

Waxaa la aaminsan yahay in The Magpies ay tahay kooxda kaliya ee aqbali karta mushaharka 30-sano jirka weerarka ka ciyaara kaasoo ah 500 kun oo gini asbuucii.